slide0001_image011.jpg


HOME
SOMALI LINKS
LOCATION
CONTACT US

Guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta soo gaaray Muqdisho(Sawiradii laga soo qaaday soo dhoweyntiisa)
Muqdisho

Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddooyinkaan ku maqnaa howlo shaqo oo dalka dibadiisa ah, waxaana wefdigaan oo ka soo degay garoonka Dayniile si diiran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, ururada bulshada gobolka Banaadir iyo ciidamada Bambeyda & kuwa booliska Soomaaliyeed.

Xubnaha la socday guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Howlaha guud iyo gurieyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato), Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla, Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno kale.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda inuu saxaafada Muqdisho uga warbixiyo socdaalkii uu ku soo maray wado ma tirsan caalamka, wuxuuna Shariif horey u sheegay in wadamadaasi uu u tegay marti qaadyo uu ka helay madaxda wadamadaasi.

Imaatinka Shariif Xasan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu ku soo beegmay xilli uu magaalada ka sii baxayay ra’iisal wasaare Geeddi iyo xubno ka tirsan garabka Jowhar ku sugan oo iyagu muddo 3 cisho ah Muqdisho ku sugnaa.

“Anigu waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee la ii soo dhoweeyay iyadoo la joogo xilli kuleyl ah” ayuu yiri Shariif Xasan oo intaasi ku daray inuu ka tacsiyeynayo dhibaatooyinkii ka dhacay doraad Muqdisho iyo weerarkii loo geystay kolonyadii uu la socday ra’isul wasaare Geeddi iyo dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, isagoo xusay inuu ILLAAHEY uga baryayo inuu naxariistii Jano siiyo dadkaasi.

Shariifku waxa uu sheegay in falkaasi uu ka xun yahay kuwii ka dambeeyey sidoo kale wuxuu xusay inuu ka xun yahay dhibaatooyinka lagu hayo maraakiibta xeebaha Soomaaliya mareysa isagoo xusay in maraakiibtaasi ay u badanyihiin kuwo wado adeegyo samafal.

“Wixii warbixino oo aan hayo waxaan ka hor sheegi doonaan fadhiga baarlamaanka isugu imaanayo” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta markii la soo dhoweeyey lagu soo dhoweeyey shiribyo, gabayo iyo muusiga astaanta calanka oo ay halkaasi ku tumeen kooxda Bambeyda Heegan.

Xubnaha soo dhoweeyey Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiarada Amniga, Ganacsiga, Lacagta, Hidaha iyo dhaqanka iyo afhayeenka labada gole ee dowladda federaalka kuna sugan magaalada Muqdisho, iyo xubno kale oo xildhibaano ah oo tiradoodu gaareysay ilaa 80 xildhibaan.

Wafdigii Jamaacada Carabta oo garabka Jowhar ku cadaadiyey in aysan xiligaan tagin Muqdisho
Jowhar
Wafdigii Jaamacada Carabta oo mudo laba maalin ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa si toos ah u diiday in ay fasaxdo Jaamacada Carabta qarashkii loogu tala galay Soomaaliya iyagoona sheegay in aan wax qarash ah la siineynin xiligaan Soomaaliya inta ay labab garab kala yihiin DFKMG.

Garabka Jowhar oo daal badan u galay in ay qarashkaasi helaan ayaa diidmadasi ay walaac ka muujiyeen xubnaha Garabka Jowhar oo iyagu u buko qarash ay xoog ugu furdaamiyaan arimahooda siyasadeed ee gurcan .

Xubnaha Jaamacada Carabta oo isku diyaarinaayey kulanka kadib in ay tagaan Muqdisho ayaa cadaasi lagu saaray in aysan xiligaan tagi karin Muqdisho tasoo keentay markii danbe in wafdigii Jaamacada Carabta ay aqbalaan kadibna ay u duulaan magaalada Nairobi halkaasi ay ka galaan magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Garabka kale ee ku sugan magaalada Muqdisho

Garabka Jowhar oo soo wajahday labadii maalin ee u danbeysan fashil siyaasadee ah in ay dadka ku war galiyaan in shirka wasiirada arimaha dibada Igad kulan ku yeelan doonaan magaalada Jowhar tasoo meesha ka baxday kadib markii dhag juluq loo siinwayey codsigoodii u gaarka ahaa ee casuumada wasiirada Igad.