MOHAMED DHEERE XUBNO LABO GOBOLE LAYIRAA MAJOOGAAN MUGDISHO
Maxamed Dheere: ?Xubno labo gole ma joogaan Muqdisho, gobolkeygana waa igu soo fara geliyay Cumar Xaashi, waan la xisaabtameynaa, aniga lafteyda ayaana si gaar ah ula xisaabtamaya? Talaado, September 13, 2005 Muqdisho Maxamed Dheere, Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Jowhar ayaa sheegay in Cumar Xaashi uu sabab u ahaa hay?adihii Qaramada Midoobay ee ka baxay magaalada Jowhar, wuxuuna yiri Maxamed Dheere: ?Ninkii ku baab'inaya xeerka caalamiga ah ayaa qaba in aad baab?iso, waan baabi?inayaa Cumar Xaashi, hadoow sii joogo dalka?....?Xubno labo gole ma joogaan Muqdisho, gobolkeygana waa igu soo fara geliyay Cumar Xaashi, waan la xisaabtameynaa, aniga lafteyda ayaana si gaar ah ula xisaabtamaya? Maxamed Dheere ayaa dhinaca kale ka hadley qaabka ay u shaqeyn doonto dowlada federaalka, isaga oo sheegay in dowlada ay guuleysan doonto, amaankana ay wax ka qaban doonto. Wuxuu sheegay in xubnaha ku jira labada gole ay yihiin kuwo markii horeba boos buuxis ahaa, laakiin ay iminka la xisaabtami doonaan. Maxamed Dheere oo wareysigiisa qeybaha dambe ay ka muuqatay hadalo kulul ayaa sidoo kale ka hadley dagaalo ka jira deegaanka Miir Taqwo oo horey loo oran jiray Miir Tuugo, wuuxuna sheegay in aysan halkaasi ka jirin dagaalo, laakiin ay jiraan howl galo ay wadaan ciidamada Shabeelaha dhexe oo doonaya in ay soo qabtaan nin gacan ku dhiigle ah oo halkaasi dil ka geystay.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS
at 4:25 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:06 AM EDT