Blog Tools
Edit your Blog
Build a Blog
RSS Feed
View Profile
12 Sep, 05 > 18 Sep, 05
You are not logged in. Log in
Entries by Topic
All topics  «
imaam aaway magacii abaha
NEWS
STATE OF MAREEG'S FLAG
WAXWEYN NEWS
WELCOME TO WAXWEYN NEWS
Wednesday, 14 September 2005
WELCOME TO WAXWEYN NEWS
Kulankii Shariif Xasan Iyo Washington DC
Waxaan ka dhacay maanta magaalada Washigton DC kulan balaaran oo ay isug yimaadeen dad Soomaaliyeed oo aad u faro badan oo boqolaal ah. Kulankaas lagula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ka qeyb galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Mohamed Hassan Daryeel, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Md. Abdirahaman Aden Ibbi, Md. Asha Ahmed Abdalah, Md. Ahmed Abdirahman, Md. Mustafa A. Dhuhulow iyo Maxamed Shaiek. Kulankaas waxaan ka hadlay Guddoomiya Baarlamaanka iyo ku xigeenka 1aad ee Ra?iisul wasaaraha Md. Maxamud Jama Sifir iyo xildhibaano dhowr ah. Guud ahaan kulankaas waxaa warbixin laga siyiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ujeedada socdaala Mareykanaka iyo shirkii ay ka qeyb galeen. Ka dib, waxay uga warameen xaalada Soomaaliya iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay?adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI?s). Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen kaalinta ay kaqaadan karaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku sugaan gaar ahaan inta ay haatan la kulmeen. Warbixinta ka dib, waxaa wafdigu jawaab ka bixiyey su?aalaha ay soo jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay shirkaas waxay soo jeediyeen su?aalo iyo talooyin dhowr ah oo isug jira codsi talo waano iyo dardaaran. Waxaa xusid mudan kulankaasi uu u dhacay si qurux badan, oo ay ka muuqatay farxad la iskuna weydaarsaday ereyo wanaagsan oo ay ka muuqato dareen wadaninimo, isla markaana wafidiga loo sameeyey martiqaad kala duwan.Waxaan idin ogeysiinaynaa dadkii maanta Guddoomayaha Baarlamaanka iyo wafdiguusu la kulmeen ay ka kala yimaadeen gobolo kala duwan sida Washigton DC, Maryland iyo Virginia. Dhinaca kale, wafdigu wuxuu la kulmi doonaa, mal?uulin kala duwan oo ka tirsan dowladda Mareykana, iyagoo uga waramay xaalada Soomaaliya iyagoo ka fa?iidaysanay socdaalkan ay ku soo gaareen dalkan. Kulankaas ka dib, wafdigu wuxuu u amba bixi doonaa Magaalada Miniyaabulis ee gobolka minisoota, halkaas oo lagula kulmi doono Jaaliyada Soomaaliyeed.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 2:59 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:07 AM EDT
Post Comment | View Comments (1) | Permalink

Wednesday, 14 September 2005 - 4:20 AM EDT

Name: WAXWEYN NEWS
Home Page: http://www.waxweyn.tripod.com

XUSKA SANNAD GU- URAAGII 34 EE GENE- RAAL SALAAD GABEY- RE KADIYE, DHAYL IYO CAYNANSHE


BY: YONIS MOHAMED
WAXWEYN NEWS



May 04, 2005



MARKEEY TARIIKHDU AHEED 4/05/05 OO KU BEGNEED 34_ GUURADII KA SOO WAREEGTAY MARKII LA XIRAY GENERAAL SALAAD GABEYRE IYO SAXIIBADIIS GENERAAL MAXAMED CAYNAANSHE GUULEED IYO G/LE DHEXE CABDULQAADIR DHAYL CABDULLE ISLAAN DHAMAANTOOD ALLA HA U NAXARIISTEE.
SIDAS DARTEED DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED MEEL KASTA AY JOOGAAN WAXAY XUSAYAAN IYAGOO AAD AAD UGA MURUGAYSAN TAARIIKHDII LA SHIRQOOLAY EE XABSIGA XAMAR LAGU XIRAY RAGGAAS ISKU DAYAY IN AY KA HORYIMAADAAN FIKRADIIHII QABIILIGA IYO DICTATOORNIMADA UU KU DHAQMAYAY GENERAAL MAXAMED SIYAAD BARRE . KADDIBNA 2/7/1972 RAGGAAS WAXAA LAGU TOOGTAY GAROONKA DUGSIGA BOOLISKA EE MUQDISHO.

MARNABA UMADDA SOOMAAALIYEED MA ILOOBI DOONTO HALGAMAYAASHAAS NAFTOODA U HURAY IN AY UMMADDA SOOMALIYEED KA BADBAADIYAAN CAWAAQIB XUMADA AY KEENI KARTO SIYAASADDII FOOSHA XUMEYD EE UU DICTATOORKU MAXAMED SIAYAAD BARRE KU DHAQMAY.

AKHIYAARTAAS WAXAY SI WANAAGSAN U DAREEMEEN IN HADDII AAN LAGA HORIMAANIN SIYAASADDAS FOOSHA XUN AY ARRINTAAS SHACBIGA SOOMAALIYEED U HORSEEDI KARTO KALA QAYBSANAAN XAGGA QABIILKA IYO BUR_BUR AAN LAGA SOO KABSAN KARIN.

TAASOO AH DHIBAATADA MAANTA HAYSATA

UMMADDENA.
SIDAAS DARTEED SHACBIGEENNA MA ILOOBI DOONO HADDI ALLA IDMO HALGAMKA AY NAFTII HURAYAASHAAS U SAMEEYEEN SHACBIGOODA SI AY UGA BADBAADIYAAN DALKA SIYAASADDA FOOSHA XUN EE QABYAALADDA OO UU DHAQMAYAY DICTATOOR MAXAMED SIYAAD BARRE IYO DABA_DHILIFYADIISI DANAYSTAYAASHA AHAA.

EEBBEHAYN WAXAAN UGA BARYENAA INUU RAGGAAS SIIYO NAXARIISTIISA JANNADA.


UMMADDA SOOMALIYEED MA ILOOBI DOONTO HALGANKA TAARIIKHIGA AH AY SAMEEYEEN GENERAAL SA1LAAD GABEYRE, DHAYL IYO CAYNANSHE .



by yonis
waxweyn news

View Latest Entries