Topic: imaam aaway magacii abaha
ABGAALKA DHEXDIISA CADAAWAD DHEXTAAL INTAAD U ORDEYSID IMAAMKA HIRAAB
Somalidu waxay tiraahdaa, afeefo hore lahoow, ama adkeysi denbe lahoow, imaamoow arinkaad ku ciyaareyso ogaal keeda lahoow. Mudo sanad ah ayaan wax ka qoraayay guud ahaan arimaha mudulood, iyo weliba mudulood inuu yahay magac ay istic maalaan beesha abgaal iyo beesha ujeejeen oo ku raac saneyd qaabka ay beesha abgaal u istic maaleysay magacaasi mudulood. Hadaba maal mahan waxaa soo ifbaxday inuu magaca mudulood yahay mid ay hogaamiyeyaasha beesha abgaal sidii ay doonaan ugu adeegtaan. Tusaale hadii aan usoo qaato dhacdadii ka dhex dhacday sedexdan hogaamiye oo kale ah, Imaam Mahamud (harti abgaal), Dr bood (waceysle) iyo xaaji muuse (wacbuudhan), sedexdaas hogaamiye oo ku hadlaayay magaca sedexda juffo ee uu wax ku qeybsado abgaal. Hadaba maxay ka yiraahdeen mudulood sedexdan hogaamiye?, anigoo mid mid usoo qaadanaayo waxa ay ka yiraahdeen ayaan waxaan rabaa inaan ugu soo horeeyo imaamka oo waayahan denbe u dalacay inuu yahay imaamka hiraab, waxa uu ka yiri mudulood iyo waxa inaga quseeyo. Imaamka isagoo taageero u raadinaayo, dowlada c/laahi yuusuf iyo wiilkooda cali maxamed geedi, ayaa wax laga weydiiyay qilaafka ka dhex taagan mudulood, wuxuuna ku jawaabay inaysan jirin qilaaf uu ogyahay isagu (imam) oo ka dhextaagan beel weynta mudulood. Wuxuuna raaciyay kuwa ka had hadlaayo idaacaha inaysan jirin cid ay matalaan. Hadaba su`aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, waa kuma kuwa uu ka hadlaayo imaamka uuna leeyahay cid ay matalaan ma jirto, mise imaamku cadiifad qabiil ayaa qaaday?. Waxaase shaki ku jirin inuu ula jeeday beesha moobleen, waayo waayahan denbe ayaga (moobleen) ayaa waxaa laga maqlaayay idaacadaha, inaysan ku qanacsaneen qeyb xumadii ka dhexdhacaday mudulood, dhac dadaas oo uu imaamka goob joog ka ahaa. Dr Bood maxuu ka yiri hadalkaas kasoo yeeray imaamka? Wuxuu xasuusiyay imaamka arin uu isaga (imam) goob joogka ahaa, taas oo aheyd dhacdadii ka dhacday neyroobe, arinkaas oo uu mudulood ku kala tagay iskuna qilaafay, wuxuu kaloo weydiiyay goorta iyo meesha uu ku hashiiyay mudulood?. Dr bood oo hadalkaasi runta ah ku amaanan ayaa wuxuu u raaciyay imaamka talo ah, inuu isaga dhexbaxo siyaasada kuna ekaado arimaha dhaqanka. Anigana waxaan u sheegayaa imaamka, mudulood iskaba dhafee inuu abgaal dhexdiisa qilaaf ka dhex taagan yahan iyo weliba juffada hoose uu abgaal ka yahay, somali waxay tiraahdaa qofkii dentiisa deryeelo ayaa tukale daryeelo, imam waxaa halkaas nooga cad inaadan deryeelin danta abgaal, marka lagaa sugu mayo inaad deryeesho danta ilmo cismaan, daarandoole, mudulood, mida hiraab warkeedaba daa. Xaaji Muuse ayaa isagana si ka duwan labadaasi hogaamiye ugu hadlay magaca mudulood, isagoo ka hadlaayay shir ka dhacay hoteelka amiira wuxuuna yiri, MUUSE SUUDI “Beesaha muddulood qaranka Soom-aaliyeed ayay qeyb yar ka tahay kaligeedna ma samayn karto maamulka gobolka Banaadir ” arinka isweydiinta mudan ayaa wuxuu yahay maxaa ku qasbay inuu sidaasi yiraahdo xaajiga, mise magaca mudulood ayaan qiimo ugu fadhin, mise wuxuu durbaba ilooway warkiisii hore oo ahaa ( aryaa meeshaan leegu talimaa) waxeyse reerkiisu (abgaal) yiraahdaan “abgaal cismaan abgaal kaloo eebada iyo usha u sitaa”. Waxaan maqaalkeygan kusoo gaba gabeynayaa siyaasiinta beesha abgaal, ganacsatadooda, aqoonyahanadooda, duubyadooda dhaqan, iyo culomo udiinkooda inay ka waa toobaan sida xun ay u istic maalaan magaca mudulood, aadna ogaataan inuu magacaasi ka dhaxeeyo beelo kale oo lamid ah beesha abgaal, sida Moobleen, Wacdaan Ilaawaay, Hiilibi, iyo Udeejeen. Runtii ku hadlida magaca mudulood waa inay u dhan yihiin dhamaan danaha beelaha ku abtirsado magaca mudulood, aysan noqon arinkii aan kor kusoo xusay, ee ay sameeyeen sedexda hogaamiye kuwaas oo ka hadlaayay arin quseeyo danaha beesha abgaal, waana in aad kala fahamtaan farqiga u dhaxeeyo mudulood iyo abgaal. BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS
at 5:02 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:05 AM EDT