MADAXWEEYNAHA AFGANISTAM XAMIID KARZAI OO DHALIILAY CIIDAMADA MAREEYKANKA EE HALKAAS JOOGA
Karzai oo dhaliilay ciidamada Maraykanka Afghanistan Madaxwaynaha Afghanistan, Hamid Karzai, ayaa sheegay in Maraykanka iyo isbahaysigiisa ay haboon tahay in ay dib uga fakaraan sida ay ula dagaalamaan argagixisada, Taleban iyo maleeshiyooyinka kale ee dalkiisa. Waraysi uu siiyay BBC-da, ayuu ku sheegay in Madaxwayne Karzai, ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay abaaraan meesha ay argagixisnimadu ka soo askunto iyo meelaha lagu tababaro kooxaha hubaysan. Wuxuu beeniyay in si gooni ah uga hadlayay dalka Pakistan, oo inta badan kooxaha hubaysan la sheego in ay ka soo weerar tagaan. Taliye Military-ga Maraykanka ka tirsan oo ku sugan koonfurta Afghanistan, ayaa beeniyay in kooxaha hubaysan ay sii xoogaysayaan, iyadoo dalka Afghanistan isku diyaarinayo doorashooyin baarlamaani ah oo dalkaasi ka dhacaya maalinta Axadda, balse wuxuu sheegay in aysan jiri karin nabad hadii uusan isfaham ka dhaxaynin dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Posted by WAXWEYN NEWS
at 5:04 AM EDT