Blog Tools
Edit your Blog
Build a Blog
RSS Feed
View Profile
12 Sep, 05 > 18 Sep, 05
You are not logged in. Log in
Entries by Topic
All topics  «
imaam aaway magacii abaha
NEWS
STATE OF MAREEG'S FLAG
WAXWEYN NEWS
WELCOME TO WAXWEYN NEWS
Wednesday, 14 September 2005
Somafone First To Turn On GSM Roaming In Somalia MOGADISHU, Somalia (BUSINESS WIRE) Sept. 9, 2005
Somafone First To Turn On GSM Roaming In Somalia MOGADISHU, Somalia (BUSINESS WIRE) Sept. 9, 2005

- Somafone, the newest GSM operator in Somalia, who is committed to delivering the highest quality of service, the latest GSM features and the lowest airtime and international rates, announced today that it has deployed international roaming and SMS capabilities from TECORE Wireless Systems, opening up the opportunity to establish roaming agreements with operators worldwide. As the political situation in Somalia continues to stabilize with the establishment of a new government, the increase of visitors to Somalia will drive the need to provide reliable and high quality GSM roaming and data services, as well as enable current subscribers to receive the highest voice quality with plenty of channel capacity to eliminate network blocking that may be experienced with other service providers. "With the increase of data services and text messaging worldwide, Somafone wanted to be able to offer its subscribers the ability to send messages internationally to family or friends living in nearby or faraway countries," said Abdullahi Hussein, CEO, Somafone. Somafone also deployed other advanced features, including Over the Air Activation (OTA), SMS to Email, Email to SMS, Email Notifications by SMS, Missed Call Notifications, Virtual Top-Up and Prepaid. The unique OTA feature allows any GSM subscriber from another network to roam on the Somafone network, utilizing their home network SIM card. The subscriber immediately receives a text message with a local Somafone mobile number upon the selection of the Somafone network, and can start receiving calls immediately without any operator intervention. The subscriber would simply need to purchase a prepaid voucher to top-up their OTA account in any denominations. "We are excited about the OTA capability, because not only does it enable visitors to Somalia to immediately start receiving calls, but it also allows other network subscribers to select the Somafone network at any time to utilize our high quality network," said Hussein. TECORE has deployed Somafone's network equipment and enabled all of these advanced features. "We are delighted with the performance of TECORE's equipment. Their expertise and support throughout this complicated and time consuming integration has been beyond expectation. As we grow our network to extend to other cities and regions, we are committed to TECORE as our exclusive equipment supplier, based on the outstanding performance and results we have received," continued Hussein. About TECORE Founded in 1991, TECORE(R) Wireless Systems has become a leading provider of mobile communications systems and its AirCore(R) SoftMSC(TM) provides unparalleled functionality and scalability across wireless technologies and applications for both carriers and enterprises. The multi-protocol architecture facilitates voice, data, and multimedia from a common platform. The company's turn-key solutions include its AirCore SoftMSC at the core of the network in conjunction with advanced GSM/GPRS, CDMA and 3G base station solutions to deliver fully-integrated wireless communication services. TECORE is an ISO 9001:2000 certified company. For more information, please visit the TECORE website at www.tecore.com. About Somafone Somafone provides wireless voice and data services with national and international connectivity in Somalia and it is a full member of the GSM Association. Somafone is currently deploying GSM services in Somalia and Somaliland. Note to Editors: If you would like to view this entire news release on Business Wire's website, please go to www.businesswire.com. CONTACT: Somafone Media/Press Contact: Valerie Shannahan, 410-872-6000 media@tecore.com ASIA PULSE
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 5:11 AM EDT
Post Comment | Permalink
shariif xassan oo qabilay sanatarada mareeykanka
Guddoomiyaha Baarmalaanka oo la kulmay laba senator oo kala ah Coleman iyo Dayton
Guddoomiyaha Baarmalaanka oo la kulmay laba senator oo kala ah Coleman iyo Dayton September 13, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa maanta ka dhacay xafiiska Sentator Coleman ee ku yaal Magaalada Washington D.C. kulan u ka qeyb galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden, Wasiirka Warfaafinta ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka 1aad Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Dr. Cali Khalif Glayr iyo Mr. Xasan Saciid oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Washigton D.C.. Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay dhinaca Mareykanka laba Senator oo kala ah Senator Comelman iyo Senator Dayton oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku nooshahay ee Menisota. Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo kala duwan. Guud ahaan waxaa laga siiyey warbixin guud oo dhinac walba taabanaysa. Waxay uga warameen ujeedada socdaala Mareykanaka, ka dib, waxay uga warameen xaalada murugsan ee Soomaaliya manta mareyso iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay’adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI’s) iyo waxa lagu kala qeybsamay. Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen baahida deg deg ah ee Soomaaliya u baahay iyo kaalinta ama taageradda loo fidin karo Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatadan daba dheeratay iyo sidoo loo kobcin lahaa hay’adaha dowladda tayadooda iyo wax qabadkooda. Waxay sidoo kale lagu qeexay ahamiyada go’aanki golaha amaanka iyo dadaalka nabadeed ee uu wado ergayga gaarka ah ee qaramada modoobay Amb. Fall ee looga dan leeyahay in khilaafka lagu soo afjaro iyadoo axdigu saldhig u yahay. Inta waxa sii dher in la tilmaamay in manta loo baahayn in Soomaaliya laga dhisho maalmul ku dhisan dimoqraadiyad saldhigeedu yahay rabitaanka shacabke, saraynta sharciga, xukun wanaag iyo ku dhaqanka sharciga si loo soo afjaro kala danbayn la’aanta dalka ka jirta iyadoo wax kastaba loo marayo wado nabadeed, sababta oo ah Soomaali wey ka daashay colaad iyo dagaal, waxay u baahan tahay nabad, xasilooni iyo adeeg kala duwan, arrimahaasna laguma gaari karo, ilaa la helo, kalsooni iyo is aminid salka ku haysa wada shaqeyn wax kool ah iyo in qof walba in laga ilaaliyo wixii dhibaya laguna tix galiyo rabitaankiisa sharciga waafaqsan, si loo dhiso wax Soomaali u wada cuntama sida ummaddaha kale. Warbixinta ka dib, labada Senator, waxay soo bandhigeen su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid ahayeen sida ay wax ula qaban karaan Baarlmaanka ama Soomaaliya guud ahaan. Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday guul, iyo in kulankan la sii wado lana sii balaariyo, si loo gaaro wada shaqeyn buuxda oo dan u ah labada dal iyo labada shacab.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 5:09 AM EDT
Post Comment | Permalink
madaxweeyne xamiid karzai
MADAXWEEYNAHA AFGANISTAM XAMIID KARZAI OO DHALIILAY CIIDAMADA MAREEYKANKA EE HALKAAS JOOGA
Karzai oo dhaliilay ciidamada Maraykanka Afghanistan Madaxwaynaha Afghanistan, Hamid Karzai, ayaa sheegay in Maraykanka iyo isbahaysigiisa ay haboon tahay in ay dib uga fakaraan sida ay ula dagaalamaan argagixisada, Taleban iyo maleeshiyooyinka kale ee dalkiisa. Waraysi uu siiyay BBC-da, ayuu ku sheegay in Madaxwayne Karzai, ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay abaaraan meesha ay argagixisnimadu ka soo askunto iyo meelaha lagu tababaro kooxaha hubaysan. Wuxuu beeniyay in si gooni ah uga hadlayay dalka Pakistan, oo inta badan kooxaha hubaysan la sheego in ay ka soo weerar tagaan. Taliye Military-ga Maraykanka ka tirsan oo ku sugan koonfurta Afghanistan, ayaa beeniyay in kooxaha hubaysan ay sii xoogaysayaan, iyadoo dalka Afghanistan isku diyaarinayo doorashooyin baarlamaani ah oo dalkaasi ka dhacaya maalinta Axadda, balse wuxuu sheegay in aysan jiri karin nabad hadii uusan isfaham ka dhaxaynin dalalka Afghanistan iyo Pakistan.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 5:04 AM EDT
Post Comment | Permalink
imaamka siyaasiga isku bedelay
Topic: imaam aaway magacii abaha
ABGAALKA DHEXDIISA CADAAWAD DHEXTAAL INTAAD U ORDEYSID IMAAMKA HIRAAB
Somalidu waxay tiraahdaa, afeefo hore lahoow, ama adkeysi denbe lahoow, imaamoow arinkaad ku ciyaareyso ogaal keeda lahoow. Mudo sanad ah ayaan wax ka qoraayay guud ahaan arimaha mudulood, iyo weliba mudulood inuu yahay magac ay istic maalaan beesha abgaal iyo beesha ujeejeen oo ku raac saneyd qaabka ay beesha abgaal u istic maaleysay magacaasi mudulood. Hadaba maal mahan waxaa soo ifbaxday inuu magaca mudulood yahay mid ay hogaamiyeyaasha beesha abgaal sidii ay doonaan ugu adeegtaan. Tusaale hadii aan usoo qaato dhacdadii ka dhex dhacday sedexdan hogaamiye oo kale ah, Imaam Mahamud (harti abgaal), Dr bood (waceysle) iyo xaaji muuse (wacbuudhan), sedexdaas hogaamiye oo ku hadlaayay magaca sedexda juffo ee uu wax ku qeybsado abgaal. Hadaba maxay ka yiraahdeen mudulood sedexdan hogaamiye?, anigoo mid mid usoo qaadanaayo waxa ay ka yiraahdeen ayaan waxaan rabaa inaan ugu soo horeeyo imaamka oo waayahan denbe u dalacay inuu yahay imaamka hiraab, waxa uu ka yiri mudulood iyo waxa inaga quseeyo. Imaamka isagoo taageero u raadinaayo, dowlada c/laahi yuusuf iyo wiilkooda cali maxamed geedi, ayaa wax laga weydiiyay qilaafka ka dhex taagan mudulood, wuxuuna ku jawaabay inaysan jirin qilaaf uu ogyahay isagu (imam) oo ka dhextaagan beel weynta mudulood. Wuxuuna raaciyay kuwa ka had hadlaayo idaacaha inaysan jirin cid ay matalaan. Hadaba su`aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, waa kuma kuwa uu ka hadlaayo imaamka uuna leeyahay cid ay matalaan ma jirto, mise imaamku cadiifad qabiil ayaa qaaday?. Waxaase shaki ku jirin inuu ula jeeday beesha moobleen, waayo waayahan denbe ayaga (moobleen) ayaa waxaa laga maqlaayay idaacadaha, inaysan ku qanacsaneen qeyb xumadii ka dhexdhacaday mudulood, dhac dadaas oo uu imaamka goob joog ka ahaa. Dr Bood maxuu ka yiri hadalkaas kasoo yeeray imaamka? Wuxuu xasuusiyay imaamka arin uu isaga (imam) goob joogka ahaa, taas oo aheyd dhacdadii ka dhacday neyroobe, arinkaas oo uu mudulood ku kala tagay iskuna qilaafay, wuxuu kaloo weydiiyay goorta iyo meesha uu ku hashiiyay mudulood?. Dr bood oo hadalkaasi runta ah ku amaanan ayaa wuxuu u raaciyay imaamka talo ah, inuu isaga dhexbaxo siyaasada kuna ekaado arimaha dhaqanka. Anigana waxaan u sheegayaa imaamka, mudulood iskaba dhafee inuu abgaal dhexdiisa qilaaf ka dhex taagan yahan iyo weliba juffada hoose uu abgaal ka yahay, somali waxay tiraahdaa qofkii dentiisa deryeelo ayaa tukale daryeelo, imam waxaa halkaas nooga cad inaadan deryeelin danta abgaal, marka lagaa sugu mayo inaad deryeesho danta ilmo cismaan, daarandoole, mudulood, mida hiraab warkeedaba daa. Xaaji Muuse ayaa isagana si ka duwan labadaasi hogaamiye ugu hadlay magaca mudulood, isagoo ka hadlaayay shir ka dhacay hoteelka amiira wuxuuna yiri, MUUSE SUUDI “Beesaha muddulood qaranka Soom-aaliyeed ayay qeyb yar ka tahay kaligeedna ma samayn karto maamulka gobolka Banaadir ” arinka isweydiinta mudan ayaa wuxuu yahay maxaa ku qasbay inuu sidaasi yiraahdo xaajiga, mise magaca mudulood ayaan qiimo ugu fadhin, mise wuxuu durbaba ilooway warkiisii hore oo ahaa ( aryaa meeshaan leegu talimaa) waxeyse reerkiisu (abgaal) yiraahdaan “abgaal cismaan abgaal kaloo eebada iyo usha u sitaa”. Waxaan maqaalkeygan kusoo gaba gabeynayaa siyaasiinta beesha abgaal, ganacsatadooda, aqoonyahanadooda, duubyadooda dhaqan, iyo culomo udiinkooda inay ka waa toobaan sida xun ay u istic maalaan magaca mudulood, aadna ogaataan inuu magacaasi ka dhaxeeyo beelo kale oo lamid ah beesha abgaal, sida Moobleen, Wacdaan Ilaawaay, Hiilibi, iyo Udeejeen. Runtii ku hadlida magaca mudulood waa inay u dhan yihiin dhamaan danaha beelaha ku abtirsado magaca mudulood, aysan noqon arinkii aan kor kusoo xusay, ee ay sameeyeen sedexda hogaamiye kuwaas oo ka hadlaayay arin quseeyo danaha beesha abgaal, waana in aad kala fahamtaan farqiga u dhaxeeyo mudulood iyo abgaal. BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 5:02 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:05 AM EDT
Post Comment | Permalink
sawirada
photo

Posted by WAXWEYN NEWS at 4:48 AM EDT
Post Comment | Permalink
WELCOME TO WAXWEYN NEWS
MOHAMED DHEERE XUBNO LABO GOBOLE LAYIRAA MAJOOGAAN MUGDISHO
Maxamed Dheere: ?Xubno labo gole ma joogaan Muqdisho, gobolkeygana waa igu soo fara geliyay Cumar Xaashi, waan la xisaabtameynaa, aniga lafteyda ayaana si gaar ah ula xisaabtamaya? Talaado, September 13, 2005 Muqdisho Maxamed Dheere, Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Jowhar ayaa sheegay in Cumar Xaashi uu sabab u ahaa hay?adihii Qaramada Midoobay ee ka baxay magaalada Jowhar, wuxuuna yiri Maxamed Dheere: ?Ninkii ku baab'inaya xeerka caalamiga ah ayaa qaba in aad baab?iso, waan baabi?inayaa Cumar Xaashi, hadoow sii joogo dalka?....?Xubno labo gole ma joogaan Muqdisho, gobolkeygana waa igu soo fara geliyay Cumar Xaashi, waan la xisaabtameynaa, aniga lafteyda ayaana si gaar ah ula xisaabtamaya? Maxamed Dheere ayaa dhinaca kale ka hadley qaabka ay u shaqeyn doonto dowlada federaalka, isaga oo sheegay in dowlada ay guuleysan doonto, amaankana ay wax ka qaban doonto. Wuxuu sheegay in xubnaha ku jira labada gole ay yihiin kuwo markii horeba boos buuxis ahaa, laakiin ay iminka la xisaabtami doonaan. Maxamed Dheere oo wareysigiisa qeybaha dambe ay ka muuqatay hadalo kulul ayaa sidoo kale ka hadley dagaalo ka jira deegaanka Miir Taqwo oo horey loo oran jiray Miir Tuugo, wuuxuna sheegay in aysan halkaasi ka jirin dagaalo, laakiin ay jiraan howl galo ay wadaan ciidamada Shabeelaha dhexe oo doonaya in ay soo qabtaan nin gacan ku dhiigle ah oo halkaasi dil ka geystay.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 4:25 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:06 AM EDT
Post Comment | Permalink
WELCOME TO WAXWEYN NEWS
Kulankii Shariif Xasan Iyo Washington DC
Waxaan ka dhacay maanta magaalada Washigton DC kulan balaaran oo ay isug yimaadeen dad Soomaaliyeed oo aad u faro badan oo boqolaal ah. Kulankaas lagula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ka qeyb galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Mohamed Hassan Daryeel, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Md. Abdirahaman Aden Ibbi, Md. Asha Ahmed Abdalah, Md. Ahmed Abdirahman, Md. Mustafa A. Dhuhulow iyo Maxamed Shaiek. Kulankaas waxaan ka hadlay Guddoomiya Baarlamaanka iyo ku xigeenka 1aad ee Ra?iisul wasaaraha Md. Maxamud Jama Sifir iyo xildhibaano dhowr ah. Guud ahaan kulankaas waxaa warbixin laga siyiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ujeedada socdaala Mareykanaka iyo shirkii ay ka qeyb galeen. Ka dib, waxay uga warameen xaalada Soomaaliya iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay?adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI?s). Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen kaalinta ay kaqaadan karaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku sugaan gaar ahaan inta ay haatan la kulmeen. Warbixinta ka dib, waxaa wafdigu jawaab ka bixiyey su?aalaha ay soo jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay shirkaas waxay soo jeediyeen su?aalo iyo talooyin dhowr ah oo isug jira codsi talo waano iyo dardaaran. Waxaa xusid mudan kulankaasi uu u dhacay si qurux badan, oo ay ka muuqatay farxad la iskuna weydaarsaday ereyo wanaagsan oo ay ka muuqato dareen wadaninimo, isla markaana wafidiga loo sameeyey martiqaad kala duwan.Waxaan idin ogeysiinaynaa dadkii maanta Guddoomayaha Baarlamaanka iyo wafdiguusu la kulmeen ay ka kala yimaadeen gobolo kala duwan sida Washigton DC, Maryland iyo Virginia. Dhinaca kale, wafdigu wuxuu la kulmi doonaa, mal?uulin kala duwan oo ka tirsan dowladda Mareykana, iyagoo uga waramay xaalada Soomaaliya iyagoo ka fa?iidaysanay socdaalkan ay ku soo gaareen dalkan. Kulankaas ka dib, wafdigu wuxuu u amba bixi doonaa Magaalada Miniyaabulis ee gobolka minisoota, halkaas oo lagula kulmi doono Jaaliyada Soomaaliyeed.
BY YONIS WAXWEYN NEWS

Posted by WAXWEYN NEWS at 2:59 AM EDT
Updated: Wednesday, 14 September 2005 5:07 AM EDT
Post Comment | View Comments (1) | Permalink

Newer | Latest | Older